December 6, 2012 | Posted by admin

Raysalwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey Telefishonka Aljazeera ku sheegay in uu diyaar u yahay inuu wadahadal dhab ah lagalo wadanka dagaalka ka dhaxeeyo ee Eritereya.

Hailemariam Desalegn ayaa wareysigiisa ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu tago caasimada Asmara isla markaana heshiis rasmi ah la galo xukuumada Issias Afewarke ee wadanka Eritereya.

“…Xiligan umma baahnin inaan anaga wada dagaalano ee waxaan u baahanahay inaan iska kaashano sidii aan ulla dagaalami laheyn maca-luusha iyo gaajada…” ayuu yiri Raysalwasaare Hailemariam Desalegn oo wareysigiisa oo dhameystiran laga siideyn doono telefishinka Aljazeera maalinimada Sabtida ah.

Waa markii ugu horeysay oo uu hogaamiye reer Itoobiya ah si rasmi ah u shaaciyo inuu miiska wadahadalka la fariisan doono wadanka Eritereya ee dagaalka xuduuda ka dhaxeeyo.

Hailemariam Desalegn ayaa asagu sheegay in hogaamiyihii ka horeeyey ee Meles Zenawi in ka badan 50 jeer isku dayey inuu wadahadal la galo dalka Eritereya balse dowlada Eritereya ay ayadu diiday.

Wadanka Eritereya ayaa ka go’aday dalka Itoobiya 1993dii, waxayna labada dal ku dagaalameen magaalada Badme ee saaran xadka u dhaxeeya wadamaasi.

Guddi ka socda Qaramada Midoobay ayaa horey magaalada Badme ugu xalaaleeyey dalka Eritereya, balse weli Itoobiya ayaa xoog militari ku heysata magaaladaasi Badme.

Dagaalkii dhexmaray Itoobiya iyo Eritereya ee joogsaday sanadkii 2000 ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen dad ka badan 70 kun oo qof.

Hailemariam Desalegn oo asagu xilka Raysalwasaaraha Itoobiya la wareegay bishii Agoosto ee lasoo dhaafay kadib markii uu geeriyooday Raysalwasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi, ayaa asagu sheegay in siyaasadiisa noqon doonto mid nabadeyn ah.

Hailemariam Desalegn oo asagu dhawaan dalkiisa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku tagay, ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Itoobiya ay wadanka Soomaaliya gacan kasiin doonto dhanka dib u dhiska ciidamada iyo sugida amniga.

COMMENTS