October 26, 2016 | Posted by admin

Wasiirka warfaafinta ee Itoobiya, Getachew Reda, ayaa ka hadlay sababta ay ciidanka dalkiisa uga baxeen deegaanno ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dhammaan ciidamada aanan ka midka ahayn AMISOM ay kala baxayaan Soomaaliya.

“Joogitaankeena Soomaaliya ayaa ah laba nooc. Laba kun oo askari ayaa nagaga jira AMISOM”. Ayuu yiri wasiirka warfaafinta Itoobiya.

Wuxuu intaasi ku daray, “Waxaa intaa dheer dhowr kun oo askarteena ah kuwaas oo caawinaya AMISOM iyo ciidanka dowladda Federaalka ah ee dagaalka kula jira Alshabab. Balse sida aan marar badan horay u sheegnayba, askarkeena ka tirsan AMISOM waxa ay Soomaaliya sii joogi doonaan inta ka dhiman muddada howlgalkooda, balse qasab ma ah in ay halkaa naga sii joogaan ciidanka kale ee aan AMISOM hoos tegin”.

Wasiirka warfaafinta ee Itoobiya, Getachew Reda, ayaa xaqiijiyay in ciidamadii ay kala bexeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ay ahaayeen kuwa aan ka mid ahayn AMISOM.

Ciidamada Itoobiya ayaa saaka aroorti ka baxay deegaanka Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay halkaasi ka bexeen.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS