January 31, 2013 | Posted by admin

Matt Bough oo ka warbixinaayay ajandayaasha kulanka shirka dhinacyada Soomalida loogu qabanayo wadanka Biriten ayaa tilmaamay in Somaliland ay kamid tahay maamul goboledyada ka jira Somaaliya.

Mr Matt Bough oo la hadlay voa laanteda afka Soomaliga oo ka warbixinayay dhinacyo dhawr ah oo ku aadan shirka Soomalida loogu qabanayo wadanka biriten 7 bisha May ee sanadkaan ayaa shaaca ka qaaday in ay weli taagan tahay dawlada biriten mawqif ku aadan in aysan aqoonsanen maamulka somaliland oo iyadu doonaysa in ay noqoto dal ka madax banan Somalia balse safiirka ayaa tilmaamay somalialand in ay tahay mid kmaid ah maamulada ka jira Soomaaliya.

Matt Bough ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay sida ay dawlada biriten uga go,antahay taagerada ay siinayaan dawlada Soomaliya iyo sidoo kale isagoo fafahin dheri ah ka bixiyay kulanka Soomalida logu qabanayo wadankasi Maamulka Somaliland ayaa waxa uu u socdaa sidii uu aqoon si dawlanimada Soomalialnd uga heli lahaa dawlado ay ugu horeyso dawlada wadanka England.

Somaliland ayaa raadin ugu jirta sidii ay ku heli laheyd aqoonsiga iney yihiin dowlada ka madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale.

COMMENTS