January 28, 2013 | Posted by admin

Xafiiska arrimaha dibadda ayaa uga digay muwaaddiniinta Britain inay u safraan Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna kula taliyay dhammaan muwaaddiniinta Britian ee jooga goobahaas inay si deg-deg ah uga baxaan.

War qoraal ah ayaa lagu sheegay inuu xafiiska ka warqabo khatar gaar ah oo ku wajahan reer galbeedka ku sugan Somaliland.

Khataraha uu xafiiska ka digay waxaa ka mid ah afduub dhaqaale lagu raadinayo, arrimo siyaasadeed – oo dhiirri-gelin ka helaya argagaxisannimo iyo falal dambiyeedyo kale.

Balse, Somaliland oo jawaab ka bixisay dareenka Britain ayaa sheegtay inaysan hayn dareen ama cabsi la xiriirta nabad-gelyadadeeda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay inay sugan tahay nabad-gelyada deegaannada Somaliland, isagoo sheegay in ciidanka iyo hay’adaha nabad-gelyada Somaliland ay gacan ku hayaan ammaanka.

“Waxaan u sheegeynaa shacabka Somaliland, ajnebiga ku sugan dalka iyo beesha caalamka inaaney xukuumadda hayn wax mushkilad ah, dareen ama cabsi la xiriirta nabad-gelyada dalka,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa mar uu safar kaga soo noqday dalka Itoobiya.

“Waxaan u sheegeynaa inaan kalsooni buuxdo ku qabno, haddaan nahay xukuumadda Somaliland, nabad-gelyada Jamhuuriyadda Somaliland, xadadkeeda iyo gudaheeda.”

Wasiirka wuxuu sheegay in hay’adaha nabad-gelyada ay baari doonaan dareenka ay muujisay dowladda Britain ee la xiriira ammaanka, hase ahaatee wuxuu carrabka ku adkeeyay inay kalsooni ku qabaan sugnaanshaha ammaankooda.

COMMENTS