October 12, 2017 | Posted by admin

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran oo lagu magacaabo Bahram Qassemi ayaa cambaareeyay howlgalkii 8-dii bishan Ciidamada maamulka Puntland ay ku soo qabteen Dooni Kalluumeysi oo laga leeyahay Iran, taasi oo Puntland ay ku eedeysay in ay si sharci daro ah uga kalluumeysaneysay xeebaha Puntland.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran waxa ay si dhab ah ula socotay weerarka lagu qaaday Dooni Kalluumeysi oo Iran ay leedahay, waxaan si ah aad u cambaareyneynaa dhibaatada soo gaartay muwaadiniinteena.” Ayuu Bahram Qassemi u sheegay ISNA.

Sidoo kale Bahram Qassemi ayaa masuuliyiinta maamulka Puntland ugu baaqay in ay si wanaagsan ula dhaqmaan muwaadiniinta ka soo jeeda dalka Iran, oo ay ixtiraamaan bani’aadanimada.

Taliyaha Ciidamada Dekedda Boosaaso Korneel Maxamed Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in Doontan ay saarnaayeen 18 qof, intii uu howlgalkan socdayna lagu dilay Kabtanka Doonta, halka sidoo kalena la dhaawacay Badmaaxe.

Wuxuu sheegay dhammaan ragga kale ee badqaba tiradoodana ay gaareyso 16 in ay u gudbiyeen Hay’adaha Garsoorka, si sharciga loo horkeeno.

COMMENTS