July 7, 2014 | Posted by admin

War kasoo baxay Xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in qalqal galinta Ammaanka Magaalada Muqdisho ay qeyb ka yihiin Warbaahinta dalka.

Wasiiro oo uu kamid ahaa Wasiirka Warfaafinta Dowlada, ayaa waxa ay Warbaahinta ugu digeen tabinta wararka abuuri kara Ammaan dari, waxa ayna Tilmaameen in Tilaabo sharciga waafaqsan la waafajin doono waa haddii aysan wax ka bedelin qaabka ay u shaqeynayaan.

Eedeymaha loo jeedinaayo Warbaahinta ayaa waxaa laga jeediyay Kulan ay shalay qaaten golaha wasiirrada waxaana kulankaasi inta uu socday warbixin looga dhageystay wasiirka warfaafinya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Musfate Sheekh Cali Dhuxulow,waxuuna soo jeediyey in tallaabo laga qaado sida gaarka warbaahinta shacabka uga qal-qalgeliya.

“Waxaan soo jeedinaya in tallaabo sharci ah laga qaado shaqsiyaadka sida gaarka warbaahinta shacabka uga qal-qalgeliya iyo in la dhiirageliyo warbaahinta madaxa banaan si ay horumarka dalka uga qeyb-qaataan,”ayuu yiri wasiir Dhuxulow.

Wasiirka iyo Wasiiradii kale ee kulankaasi goobjooga ka ahaa ayaa waxa ay aad u dhaliileen habsami u shaqeynta Warbaahinada Dalka waxa ayna walaac ka muujiyeen inay suuragal tahay in buun-buuninta Dagaalada iyo Colaadaha ay ka qeybqaadan karto in dalka uu dib ugu laabto 23-sanno ee lasoo dhaafay.

Dhinaca kale, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa isna dhankiisa sheegay inay digniin toos ah u jeedinayaan shaqsiyaadka ku howlan in ay dalka iyo dadka ku qal-qalgeliyaan warbaahinta.

“Waxaan digniin toos ah u jeedineynaa shaqsiyaadka ku howlan in ay dalka iyo dadka ku qal-qalgeliyaan warbaahinta, loomma dulqaadan doonno arrintaasi, waxaana ka dhallan doonta haddii aan laga waantoobin tallaabbada ku habboon, dhanka kale waxaan ku dhiiragelinayaa dhammaan warbaahinta Soomaaliyeed in ay sii xoojinyaan ka qeyb-qaadashada xasiloonida dalka, amiga, iyo horumarka waddanka”.ayuu yiri ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,Cabdiweli Sheekh Axmed.

COMMENTS