March 29, 2015 | Posted by admin

Dowlada Britain ayaa waxa ay adkeysay digniinta ay u soo jeedisay muwaadiniinteeda u safreysa dalka Kenya iyagoo u sheegtay in ay ka fogaadaan dhammaan meelaha loo dalxiis tago ee ku yaal Kenya.

Digniintan ayaa waxa ay dharbaaxo kale ku noqonaysaa dalxiiska dalka Kenya maadaama loogaga digey shacabka reer Britain inay ka fogaadaan meelaha loo dalxiis tago oo ay ku jirto garoonka diyaaradaha magaalada Mombasa.

Hore ayay dowlada Biritain u soo saartay digniino balse kuwii hore waxa ay ku koobnaayeen goobo kooban oo ah xeebaha u dhowdhow dalka Soomaaliya iyo qeybo kamid ah Nairobi.

Arrinkan ayaa imanaya iyadoo dowlada Kenya ay ka codsatay wasiirka arrimaha dibada Britain Philip Hammond oo booqanayay Kenya in la qaado digniinaha maadaama dalxiiska Kenya uu hoos u dhac ku yimid.

Dowlada Kenya ayaan wax war ah ka soo saarin digniintan cusub ay soo saartay xukuumada Britain.Wadanka Australia ayaa sido kale Jimcihii ugaga digey inay u safraan dalka Kenya iyagoo sheegay in laga yaabo in kooxaha argagaxisada ay qorsheynayaan weerar.

COMMENTS