March 16, 2017 | Posted by admin

Boqoradda Dalka Britain Queen Elizabeth ayaa dooneysa in Deeq Lacageed ay ku caawiso Malaayiinta Qof ee Abaaruhu ku saameeyeen Dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.
Malaayiin qof oo Soomaaliyeed ayaa walaac laga qabaa in ay wajahaan Macluul aad udaran maadaama Abaaro xoogan ay ku dhufteen gudaha Dalka Soomaaliya oo dhan.

Deeqdaan ay ku dhawaaqday Boqororadda Dalka Ingiriiska ayaa daba socota booqasho shalay Magaalada Muqdisho uu ku yimid Xoghayaha dhanka Arrimaha Dibadda UK Boris Johnson.

Dowladda Britain ayaa Malaayiin Dollar Sanadkaan uga qeyb qaadaneysa Abaaraha ku dhuftay Dalka Soomaaliya.

Maxamed daacad muqdisho.
[email protected].

COMMENTS