December 1, 2016 | Posted by admin

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ganaax lacageed laga qaabo Markab si sharci darro uga kalluumeysanayay Badda Soomaaliya.

Markabka Greko One oo waday shixnad Kalluun ah oo culeyskiisa dhan yahay 30-tan ayaa lagu sii heyn doonaa Dekedda magaaladda Mombasa ee dalka Kenya, ilaa iyo inta laga bixinayo Lacagta ganaaxa.

Markabka Greko One oo si sharci daro ah uga kalluumeysanayay Badda Soomaaliya ayaa waxaa lagu ganaaxay lacag dhan 65,000 oo Dollar.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wareejin doonaa lacagta lagu ganaaxay Markabkan sida sharci darada ah uga kalluumeysanayay Badda Soomaaliya.

Dhinaca kalena Safiirka Maraykanka u jooga Soomaaliya, Ambassador Stephen Schwartz ayaa bogaadiyay Iskaashiga ay Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ka yeesheen sidii tallaabo looga qaadi lahaa Markabka Kalluumeysiga ee lagu qabtay Badda Soomaaliya.

Dowlada soomaaliya ayaa xariir wanaagsan la leh dowladaha kale ee Caalamka kuwaasi oo qayb ka ah ciidamada ku sugan Biyaha soomaaliya

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS