January 10, 2013 | Posted by admin

Wasiiradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federalka soomaaliya fowsiyo yusuf xaaji aadan ayaa waxa ay sheegtay in wadamo katirsan yurub ay soomaaliya kafuranayaan safaarado.

Fowsiyo yusuf wasiiradda arrimaha dibadda ayaa sidoo kale tilmaamtay  in dowladdo ay ka mid yihiin Ingiriiska shiinaha iyo talyaaniga in ay qorsheeynayaan  soomaaliya in ay ka furtaan safaaraddo

Wasiiradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federalka  somaliya ayaa waxaa sidoo kale ay carabka ku dhufatay in horey ay u jireen dalal badan oo ay ka mid yihiin sudan jabuti ithopia iyo turkiga  oo Soomaaliya Safaarado ka furtay.

Ugu Dambeyn Wasiiradda arrimaha Dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay kulan ay Jaaliyadda Soomaaliyeed kula qaadatay dalka Talyaaniga kuwaasi oo ay tilmaamtay in yihiin dad usoo Jeeda dalkooda iyana taasi ay rajo wanaagsan ka muujisay islamarkaana ay ku tilmaamatay arrin lagu farxi karo in ay taah taas.

COMMENTS