December 22, 2014 | Posted by admin

Siyaasiga caanka ah ee reer Tunuusiya Beji Caid Essebs ayaa sheegay in uu ku guulaystay doorashadii ugu horaysay ee si xor ah uga dhacda wadankiisa.
Natiijooyinka hordhacaha ee doorashada waxa ay tilmaamayaan in uu helay in kabadan boqolkiisa konton iyo shan codadkii la dhiibtay. Laakiin Moncef Marzouki, oo ay loolamayaan ayaa sheegay in ay natiijadu isu dhawdhawdahay.
Essebsi ayaa dad isu soo baxay oo taageerayaashiisa ah u sheegay in Tunisia ay u baahantahay in dadkeedu ay wada shaqeeyaan.

COMMENTS