November 30, 2016 | Posted by admin

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacaysa doorashada xildhibaanada beelaha Banaadiriga waxaana lagu qabanayaa Xarunta Ciidanka Boliska ee Degmada Cabdicasiis ee Gobalka Banadir ee lagu magacaabo Gaadiidka Booliska.

Amaanka Muqdisho ayaana maanta si wayn loo adkeeyay waxaana la xiray wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho.

Kulan looga hadlayay amniga doorashooyinka ayaa halay lagu qabtay Muqdisho waxaana maanta dhacaysa Doorashada Xildhibnaada beelaha Banadiri.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in 10-ka  Maalin ee soo socota ay dhacayaan Doorashooyinka Beelaha Banaadiri iyo beelaha waqooyiga soomaaliya ee Soomaaliland.

Maanta ayayna Bilaaban doontaa Doorashada Xildhibaanada Beelaha Banaadiriga.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS