April 29, 2017 | Posted by admin

Magaalada Cadaado gudiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa shaaciyay in ay doorashada Dib u dhacday,

Bisha May 3 deeda ayaa dib loogu dhigay xiliga doorashada Madaxweynaha Galmudug ay dhaceyso,

Gudiga ayaa sheegay in dib loogu dhigay waqtiga oo yar madama Waqtiga doorasha ay ku baxday wada hadalkii Galmudug iyo Ahlu-suna,

Musharixiinta is diiwaan galiyey ayaa kala ah Axmed Shariif Cali Hilowle, Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Prof C/qaadir Maxamed Shirwac. Musharixiintaan ayaa khudbooyinkooda Barlamaanka ka hor jeedinaya 1 May 2017.

lacag dhan 10 kun oo dollar ayaa lagu soo waramayaa in laga qaaday musharixiinta isdiiwaan galiyay kuwaasi oo gaaraya 3 musharax,

Hada Wararka waxa ay ku dereyaan in Sababta dib loogu dhigay ay Tahay Musharaxiinta is diiwaan geliyay oo aad uyar.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS