April 15, 2018 | Posted by admin

Wararka Imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in  Maanta lagu wado in magaaladaas lagu qabto doorashada Kursi ka banaan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kursigan lagu  tartamayo ayaa horey waxaa ugu geeryooday Alaha u naxriistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalim.

Musharixiinta u taagan qabashada Xilka Xubinta Xildhibaanimada ayaa shalay waxaa ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, iyadoona maalmo ka hor ay guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee qaranka ay iclaamiyeen in doorashadan lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeeb.

Xubnaha u tartamaya kursigan  ayaa waxaa ka mid ah, musharax Cabdulaahi Faarax Weheliye iyo Musharax Maxamed Cilmi Afrax Mideeye.

COMMENTS