July 27, 2017 | Posted by admin

FB_IMG_1496057766051

Al-Shabaab ayaa uga digay shacabka ku nool dalka kenya in ay ka qayb galaan doorashada madaxweynaha Dalka kenya ee dhawaan la filayo in ay ka dhacdo dalkaas.

Axmed Iman Ali oo ah Hogaamiyaha Al-shabaab u qaabilsan dalka Kenya  oo la hadlay warbaahinta  Al-shabaab ayaa sheegay in shacabka dalka Kenya uga digayaan in ay ka qeybgalaan doorashada.

Waxaa uu sheegay in doorashada dhawaan ka dhaceysa dalkaas tahay mid abaabulkeeda ay leeyihiin dad sida uu hadalka u dhigay gaalo ah , isaga oo shacabka uga digay in ay doorashada u soo baxaan.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa dhawaan gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo uu ka waday olalihiisa ku aadan doorashada, wuxuuna ugu baaqay bulshada Soomaalida ee degan gobolka Waqooyi Bari in ay doorashada si wanaagsan uga qayb-qaataan.

Digniintan ka soo baxday  Al-shabaab ayaa dhinaca kale imaneysa xili ku-simaha wasiirada amniga dalka Kenya uu soo saaray dhinaciisa digniin la xiriirta qaraxyo iyo afduub ay geysan karaan Al-shabaab inta ay socto doorashada.

Lama oga Go’aanka alshabaab iyo Shacabka isku diyaarinaya doorashada kenya kala qabsan doona xili ay soo dhawdahay doorashada Dalka kenya

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS