Maaalinta Sabtida ah Magaalada jowhar ee Caasimada Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Waxaa ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.
Iyadoo Tartan iyo Loolan Culus ay Dhexmarayo ilaa iyo 8 Musharax oo Xilkaan u Taagan.
Xildhibaanada Maamulka Hir-Shabeelle Waxaa looga fadhiya in Masiirka Dowlada Hirshabeelle u Doortaan Hogaamiye Samata bixin Kara Dowladani Curdunka ah. Karti Aqoon iyo Waayo Aragnimo leh, Ka shaqeyn Kara Nabadgalyada, abuuri Karana ilo Dhaqaale Sidoo kale ka shaqeyn kara Isku xirka Bulshada Iyo ka Warqabkooda.
Maalinta Birita ah ayaa si rasmi ah loo ogaan Doonaa sideedaan Musharax ee Utaagan xilkaan in Midkood uu ku soobaxo Doorashada.
Beesha Caalamka ayaa si gaar ah isha ugu Haysa Doorashada Madaxwaynaha Hirshabeelle.
Ugu Dambeyna Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa looga Fadhiyaa in ay Doortaan Hogaamiye Daacad ah oo Samata Bixin kara Maamulka Hirshabeelle.
Nagala soo xariir.