January 10, 2017 | Posted by admin

Natiijada sawirka doorashada gudoonka Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maalinta Birita ah ay doortaan Gudooiyaha Cusub ee Baarlamaanka soomaaliya.

Xilka Gudoomiyahaa waxaa utaagan Afar Musharax kuwaas oo qaar kood soo qabtay Xilka Gudoonka Baarlamaanka halka kuwa kalena ay ku cusub yihiin.

Maalinta arbacada ah oo Biri ku aadan ayaa la filayaan in xildhibaanada Golaha shacabka soomaaliyeed ay soo doortaan Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka soomaaliya.

Sidoo kale Khamiista ayaa lagu wadaa in la soo doorto xilka Gudoomiyaha Kowaad iyo labaad xubnaha utartamaya.

Doorashada Gudoonka ka dib ayaa waxaa la saadaalin karayaa Cida ugu cad cad Xilka Madaxtinimada dalka oo hada la sheegayo in xubnaha qaar ay ka tanasulayaan.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS