February 22, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Kismaayo: Doonyo Hub u sida Shabaab ayaa kusoo xirtay Dekada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose, iyadoo kulan looga hadlayey siin wadadi dagaalada ay magaaladaasi ku yeesheen Saraakiil Shabaab ah.

Shalay galinkii dambe ayaa waxaa la sheegay in labo doonyood oo sida hub isugu jira kuwa fudud iyo kuwa culus ay kusoo xirteen Dekada magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose kuwaasi oo la sheegay in ay leeyihiin Al Shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo oo la hadlay Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in aan si dhab ah loo ogayn halka uu ka yimid hubkaasi, iyagoo intaasi raaciyay in uu barbar socday kulan shalay ilaa xalay ay magaalada ku yeelanayeen Hogaamiyaal sare oo ka tirsan  Al Shabaab.

Kulanka ayaa waxaa la sheegay in looga hadlayey dagaalada Al Shabaab kaga furmay gobolada Koofurta gaar ahaan gobolada Gedo, Bay, Bakool iyo Jubooyinka iyo sida Shabaab ay kaga hortagi karaan dagaaladaasi.

Saraakiisha ka qeyb gashay kulanka ayaa waxaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen Sheekh Xasan Daahir Aweys, Sheekh Muqtaar Roobow abuu mansuur iyo Hogaamiyaal kale oo ka mid ah Shabaab, waxaana la tilmaamay in kulankaasi lagu  magacaabay xubno horbooda dagaalada ka soconaya Koofurta.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa Shabaab waxa ay u magacaabeen in uu noqdo u qeybsanaha Al Shabaab ee dagaalada Koofurta Soomaaliya iyo dajinta doonyaha hubka sida ee kusoo xirta Dekada magaalada Kismaayo.

Si kastaba kulankaani ayaa waxa uu imaanayaa xili Al Shabaab meelo badan oo ka tirsan Koofurta Soomaaliya ay kaga furan yihiin dagaalo ay kala soo horjeedaan ciidamada dowladda, kuwa Ethiopia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM lamana oga kulankaani waxa uu ka badali doono dagaalada.

Shabelle/Duhur

COMMENTS