May 18, 2017 | Posted by admin

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha dalka Kuwait ayaa lagu sheegay in dowladda Kuwait ay gacanta ku dhigtay doomo lagu soo raray Kiishash dhuxul ah oo la sheegay inay u rarnaayeen dhaq dhaqaaqa Al-shabaab waxana ugu jirtay faaido malaayiin denaar ah.

Kiishashka dhuxusha ah ee gacanta lagu dhigay ayaa gaarayay 51kiish waxana lagu sii waday in lagu iibiyo dalka Kuwait lacagta kasoo baxdana looso diro Al-shabaab.

Dowladda Kuwait ayaa sheegtay in dhuxushaasi la iibin doono oo faaidada laga helana looso diraayo xukuumadda Soomaaliya.

Saraakiisha Ilaalada xeebaha dalka Kuwait oo la hadlay wakaalada wararka Kuwait ee Kuna ayaa sheegaya in in iskaashi wadajir ay sameeyen laamaha amaan ee Khalijka ay suurta gashay in doomahaasi gacanta lagu dhigo.

Waxa ay doomahasi ku socdeen biyaha Kuwait,waxana dowladda Kuwait ay sheegtay inay ilaalinayso qaraaradii Golaha amaanka ee mamnuucista in dhuxusha Soomaaliya dibada loo iib geeyo.

Waa markii ugu horeeysay ay Kuwait gacanta ku dhigto doomo dhuxul ku raran yihiin oo Soomaaliya ka baxay.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS