February 12, 2013 | Posted by admin

Doodda ay wada yeesheen musharrixiinta u taagan doorashada Kenya ka dhici doonta bisha soo socota ee March, ayaa taariikhda bog cusub uga furtay dalkani Kenya, waxaana dooddu ay habeenkii xalay ahaa si toos ah uga soo muuqatay 8-telefashin iyo 42-idaacadood oo fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, waxaana lagu gudbinayay afaf kala duwan.

Murankan waxaa wadaagayay ra’isal wasaaraha Kenya Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Uhuru Kenyatta, oo labaduba u habqaltaagaya siyaasadda wadanka gaar ahaan hogaanka ugu sarreeyay xukuumadda Nairobi.

Labada hogaamiye waxay sumcad ku leeyihiin geeska Africa, gaar ahaan dalkani Kenya, waxaana su’aalaha weydiinayay wariyeyaasha ugu caansan dalkani oo ka kal socday qeybaha warbaahinta qaranka Kenya.

Labada hogaamiye waxay wajahayaan dacwadda maxkamadda dambiyadda aduunka ICC-da oo shaacisay in xuquuqda aadanaha ay ku xadgudbeen Odinga iyo Uhuru.

Madaxweyne Kibaki, ayaanan tartankan ku jirin maadaama uu dalka muddo soo hogaaminayay, waxaana uu xafiiska laba bilood kadib ku wareejin doonaa madaxweynaha doorashada ku soo baxaa.kenyan musharrax

Doorashadii dalka ka dhacday sanadkii 2007 ayaa la xusuustaa oo rabshad ka dhalatay ay ku dhinteen 1,ooo ruux 300,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadkaasi dhintay qaarkood lagu eedeeyay masuuliyadda musharrixiinta tartameysa.

Qaar kamid ah wadamada deeq bixiyayaasha ayaa ka murugsan sida xaaladdu noqon doonto maadaama dalka Kenya uusan ka sii fikirin doorashadda qabsoomideeda.

Dowladaha Faransiiska, Britain, iyo Mareykanka ayaa digniin u jeediyay madaxda tartameysa, oo laga cabsi qabo inay qaab qabiil isku dagaalaan hadii midkood uu doorashada ku soo baxo.

Ciidamada ammaanka ayaa u muuqda inaanay u diyaarsaneyn, xaqiijinta ammaanka, waxaana doorashadan laga cabsi qabaa in kooxda al-Shabaab ee Soomaaliya ay ka faa’iideysato rabshad dhalata xilliga doorashada.

COMMENTS