October 16, 2017 | Posted by admin

jabtti

Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo wajahan diyaarado iyo dhaqaatiir ay soo dirtay Dowlada wadanka Jabiiti oo Gurmad sida.

Madaxwaynaha Wadanka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle ayaa amray in Soomaaliya loo diro diyaarado Gurmad ah oo sida dhaqaatiir iyo Dawooyin, iyo Kuwa kale oo qaadi doona dadka Liita.

Dhwaan ayaa la filayaa in Garoonka diyaaradaha Muqdisho ay soo caga dhigato Diyaarad sida dhaqaatiir iyo Mid Milateri oo ka socda wadanka Jabuuti.

Waxaa la filayaa in dalka jabuuti loo qaado dhaawacyo kale maadaama Maanta wadanka Turkiga loo qaaday dhaawacyo cul culus.

COMMENTS