December 2, 2016 | Posted by admin

Dowladda Maraykanka ayaa Maanta Lix Diyaaradood oo nooca qummaatiga u kaca ah ku wareejisay Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Dowlada Kenya,

Diyaaradahaasi ayaa la sheegay in loogu Talagalay la dagaalanka Al-Shabaab ee soomaaliya.

Xoghayaha difaaca xukuumadda Kenya, Raychelle Omamo, ayaa sheegtay inay Diyaaradahani  qaarkood ay yihiin Air Base , iyadoo Laba kalena la filayo in lasoo gaarsiiyo Bisha May ee 2017-da.

Diyaaradahan Waxay kaalin weyn ka Ciyaari doonaan howlaha la dagaalanka alshabaab ayay tiri Mss; Raychelle Omamo oo warbaahinta kenya la hadashay.

Deeqdan Diyaaradaha ah ayaa lagu qiimeeyay 106 Milyan oo Dollar oo u dhiganta 11 billion oo Shillin  Kenya ah, taasoo qayb ka ah heshiis lagu kobcinayo ammaanka Gobolka oo ay horay u wada galeen Waddamada Saxaraha ka hooseeya iyo Madaxweynaha xilka kasii dagaya Dalka Maraykanka Brack Obama.

Safiirka Maraykanka u jooga Wadanka Kenya Danjire; Robert Godec,oo munaasabaddaasi goob joog ka ahaa ayaa sheegay, in ay tahay deeqda ugu badan ee lasiiyo Dalalka Saxaaraha ka hooseeya ee Afrika,isagoo intaa ku daray inay tani kaalin mug leh ka qaadan doonto la dagaallanka Ururka Al-Shabaab.

Alshabaab ayaa dhibaato faraba’ani ku haaya dowlada kenya waxaan jirta in weeraro iyo afduub intaba ay ka geesteen wadanka kenya.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS