October 17, 2017 | Posted by admin

Diyaaraddii dowladda Qatar soo dirtay ee siday gurmadka caafimaad ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo diyaaradan ah mid milateri laga dejinayo illaa 2 ton oo daawooyin iyo qalab caafimaad isugu jira.

Waxaa diyaaradan saarnaa dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, oo ka qeyb qaadan doona howlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa ka guddoomay deeqda daawada ah dowladda Qatar.

Dhinaca kale waxaa goor dhow lagu wadaa in diyaaradan ay ka qaado magaalada Muqdisho dhaawacyada illaa sodomeeyo ruux oo la geyn doono magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

Qatar ayaa sheegtay inay bixin doonto qarashka ku baxaya bukaanada ee la dhigayo Isbitaalada Sudan, iyadoo ka cudur daaratay in dalkeeda uu la tacaali karin dhaawacyadaas.

qatar M

COMMENTS