July 23, 2014 | Posted by admin

Diyaaradaha Mareykanka Iyo Yurub Oo Hakiyay Duulimaadyadii Ay Ku Taggi Jirayn Caasimada Israel

Inta badan diyaaradaha dalalka Yurub iyo Waqooyiga Mareykanka, ayaa waxay hakiyeen duulimaadyadii ay ku taggi jirayn Magaalada Tel Aviv ee Xarunta Maamulka Israel.

Tani, ayaa waxay ka dambeysay markii shalay uu gantaal ku soo dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Magaalada Tel Aviv, waxaana la arkaayay dadka reer Israel oo kala yaacaaya.

Duulimaadyo badan oo Talaadadii lagu waday inay gaaraan Magaalada Tel Aviv, ayaa la hakiyay, ka gadaal markii dareen laga muujiyay in waxyeelo ka soo gaarto duqeymaha ridada dheer, ee ay adeegsanayaan Xoogaga Xamaas.

Dadka odoroso Siyaasada Bariga Dhexe, ayaa sheegaaya in gulufka militari ee ay Israel ku qaaday Marinka Gaza, inay kala kulmeyso dhaqaalo xumo, cambaarayn iyo in loogu yeero argagaxisada dhabta ah, ee maanta dunida ka jirta.

Wadamada Mareykanka, Masar, Qatar iyo Jordan, ayaa waxay dadaalo ugu jiraan, sidii loo hakin lahaa xiisada u dhaxeyso Israel iyo Falastiin, iyadoona la raadinaayo xal xabad joojin looga dhex abuuraayo.

Duqeymaha diyaaradaha Israel ka geysanayaan dhulka reer Falastiin, ayaa waxaa ku dhimatay 640 ruux oo u badan caruur, ciroole iyo haweenba ah. Halka Israel dhinaceeda ay dagaalada kaga dhinteen 52 ruux, oo laba ka mid ah ay rayid yihiin.

Xiisada u dhaxeyso Falastiin iyo Israel, ayaa waxa ay jirsatay muddo 15 cisho ah, iyadoo uu khasaarihii ugu badnaa Israel ka soo gaaray, muddo toboneeyo sano ah.

COMMENTS