August 21, 2014 | Posted by admin

Wararka ka imaanaaya Gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya, ay duqeymo culus ka geysteen deegaanka Gadoon-dhawe, oo 4km u jirta Degmada Beled Xaawo.

Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeymahaan siyaabooyin kala gedisan kaga geystay deegaanka Gadoon-dhawe, ayaa waxay ku burburiyeen fariisimo ay Shabaabku ku lahaayeen.

Cabdi Cali Cabdi, Gudoomiyaha deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo, ayaa wuxuu sheegay in duqeymuhu uu Ururka Al Shabaab ku khasbay, in ay isaga yaacaan deegaanka Gadoon-dhawe.

Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in duqeymaha lagu dilay toboneeyo ka mid ah dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, halka tiro kalana lagu dhaawacay.

Cabdi Cali Cabdi, ayaa wuxuu Ururka mayalka adag ee Al Shabaab uu ku eedeeyay, iyadoo dhibaato daran ka jirto Gobolka Gedo, in ay hadana shacabka ka boobayaan xoolaha nool, xilli ay ugu yeerayaan Zakaawaat.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom, ayaan weli wax war ah ka soo saarin duqeymaha ay Arbacadii ka geysteen deegaanka Gadoon-dhwe.

Gadoon-dhawe oo ku dhow xadka Somaliya iyo Kenya, ayaa waxay Shabaabku maalmahaan dambe ka wadeen dhaq dhaqaaqyo ciidan, waxaana laga cabsi qabay in ay weeraraan dalkaasi Kenya.

COMMENTS