May 26, 2017 | Posted by admin

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in booliiska Soomaaliya ay heleen diyaaradaha sahanka ee drones-ka loo yaqaan oo aan duuliyaha wadin si ay ugu adeegsadaan la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka dalka Mareykanka, oo lagu magacaabo Brett Velicovich ayaa la sheegay in diyaaradahan oo shan ah uu ugu deeqay booliska Soomaaliyeed.

Diyaaradahan ayaa la sheegay inay booliiska ka caawin doonaan la socodka shirqoollada iyo ka hortagistooda.

Qalabkaan lagu wareejiyay Ciidamada amaanka soomaaliya ayaa ah mid kaabaya amniga Ciidamada Boliska Soomaaliya ay ku sugayaan Dalka.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS