May 19, 2015 | Posted by admin

D4C6801A-AE26-4909-B29A-D9D32E0DFDCF_w268_r1
Qaxootiga ayaa ka soo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen, taasoo oo ay in muddo ah ku xannibnaayeen ayaa ugu dambayn shalay laga soo dejiyey magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadkaasi ku soo dhaweeyey garoonka Aadan Cabdulle, kuwaasoo markii dambe loo qaaday deegganno ay si ku meel gaarka ah ugu sii noolaadaan.

Qaar ka mid ah qaxootiga la keenay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey xaaladdii adayd ee ay kala soo kulmeeen intii ay ku sugnaayeen dalka Yemen.

Dadkan ayaa waxaa la socda 27 muwaadiinin Yemen, kuwaasoo sidoo kale ka qaxay dagaallada ka socda dalka Yemen.
iframe src=”//voasomali.share.voanews.eu/externalaudio-FLRM/Audio/2776962.html” scrolling=”no” frameborder=”0″ width=”384″ height=”185″>

COMMENTS