July 22, 2014 | Posted by admin

Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa laga dareemay inuu yaraaday dilalka ka dhanka ah Ciidanka Ilaalada ee Wadooyinka, kadib markii bilowgii bishaan Ramadaan Caasimada lagu dilay, shan ka mid ah.

Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa waxa uu Ciidanka Taraafikada ku eedeeyay inay dagaalka kaga qayb qaadanayaan firimbiga/Seeriga, isla-markaana ay ka dhigan doonaan beegsigooda 1-aad, sida uu yiri.

Askarta Taraafikada, ayaa waxaad arkeysaa iyagoo qoryo wata amaba ay ilaalinayaan askar kale, si ay u caabiyaan cadowga doonaaya inuu waxyeelada u geysto.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada ee Wadooyinka General Cali Xersi Barre (Cali Gaab), ayaa horey wax loola yaabay ugu tilmaamay in la dilo askar wadooyinka u taagan, sidii ay kaga hortaggi laheyd waxyeelo ku timaada bulshada gaadiidka kaxeysaneysa.

Hadalhaynta ugu badan ee bulshada reer Muqdisho, ayaa horaantii bishaan noqotay tallaabada guracan ee lagu baneysanaayo dhiigga Ciidanka Ilaalada ee Wadooyinka.

COMMENTS