August 24, 2014 | Posted by admin

Warka ka imaanaya Degmada Caabuwaaq ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Ruux shacab ahaa xilli uu ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn garoonka kubadda cagta.

Dilka ruuxaasi ayaa waxaa si bareer ah u fuliyay Ruux kale oo la sheegay inuu kamid ahaa dadka Deegaanka, kaasi oo la Tilmaamay inuu ahaa Adeege amar lagu soo siiyay fulinta Dilkaasi, sida ay wararku sheegayaan.

Dadka Deegaanka ayaa sheegaya in dilka ruuxaasi uu yahay mid lala xiriirinayo aanooyinka xagga qabaa’ilada la xiriira oo mudooyinkaani Deegaankaasi ka taagnaa.

Sidoo kale, dilka ruuxaasi kadib, ayaa la sheegayaa in Gacan ku dhiiglaha uu goobta ka baxsaday,iyadoona ay suuragal noqon weysay in Ruuxaasi la qabto.

Dhanka kale, Dilka ruuxaasi ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo maalmahaani ay Laba ka mid ah beelaha degga Degmada Caabudwaaq kala aarsanayeen Aanooyin, taasi oo ka dambeysay dilka Ruuxaasi.

COMMENTS
  1. Abbas Haji said:

    Waa nasiib daro in ay dilal nocaas ah ay weli ka jiraan.waxa kaliya ee lagu baabinkaro waa in qabiilkasata uu keno ninka waxa dilay sharciga Islmkana lagu xukmiyo,