September 6, 2010 | Posted by admin

Diidmada Dastuurka cusub, waxaa  dhowaan ku soo biiray Mas’uuliyiinta  dalka ugu sarreysa oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaliyeed Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xeer Ilaaliya guud ee qaranka  Dr. C/laahi Dahir Barre iyo dhowr Xildhibaan oo uu ka mid yahay Xildhibaan Salaad Cali Jeele.

Dhowr Asbuuc ka hor waxaa  Dastuurka Cusub, si xoog leh uga soo hor-jeestay Xildhibaano ay ugu cad cadaayeen Xildhibaan Cumar Islaw oo ah (very Influential), Xlidhibaan Maxamuud Geeddi Aw Hilowle iyo qaar kale oo badan.

mid ka mid ah madaxda dowlada ayaa noo xajiiyiyay in Xildhibaano kor u dhaafayo 280 ay soo garab istaageen M/Weynaha DFKMG ah ka dib markay arkeen daacad darada ay wadaan G/Barlamanka iyo R/Wasaaraha DFKMG, iyo ku tumashada Axdiga DKMG.

Dastuurkaan qabyada ah, waxaa cad in sameyntiisa lagu deg degay oo aan laga la tashan hay’adihii dastuurka u lahay xaqa sida Madaxtooyada, Xeer Ilaalinta Qaranka iyo Golaha Baarlamaanka KMG ah iwm.

Xalku wuxuu ku jiraa in Dastuurkaan cusub lala sugo xilli Shacabka Soomaliyeed uu ka dhiiban karaayo aftidiisa. Sababtoo ah Dastuurkan wa mid keeni kara isku dhac xoogan madaama Dowladu tahay Federaal in gobolada Qaar la yiraahdo dhamaan Soomaaliya ayaa wada leh Qaarna la yiraahdo dadka degan ayaa lahaan doona waa mida ugu weyn ee Xildhibaanadan oo kala beelo ah ay ka biyo diideen.


Xasan Xuseen Carraale
Hotel Suxufi
K-4, Muqdishu, Somaliya

COMMENTS