July 22, 2017 | Posted by admin

Howlgalka la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda ee Midowga Yurub Sarkaal Sare oo ka tirsan ayaa Wargeys kasoo baxa dalka Mareykanka u sheegay in Maraakiibta Caalamiga ah ay uga digayaan Weeraro ay abaabulayaan kooxaha Burcadbadeeda.

Maraakiibta Ganacsiga ayuu ugu baaqay sarkaalkaasi in ay xoojiyaan ilaaladooda gaarka ah.

Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ayaa bilihii lasoo dhaafay geystay Weeraro kala duwan, waxaana ay Afduubteen Maraakiib iyo doonyo Ganacsi.

Goobaha ay ku Xoogan yihiin Burcad badeeda waxaa Galmudug iyo Puntland oo dhowr jeer ay Afduub ka gaysteen.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS