February 25, 2017 | Posted by admin

Maareeyaha Garoonka Diyaaraha Aadan Caddi ee Muqdisho Cabdi Ashkir ayaa waxaa jirta in uu dhibaata ku yahay Shaqada Ka socota Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waxaa jirta in dhibaatooyin badan lagu qabo in la galo garoonka diyaaradaha Muqdisho Tan iyo Markii xilkaasi laga qaaday Mareeyihii Hore ee aadan Cadde Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud islamarkaana loo magacaabay Cabdi ashkari.

Shaqaalaha iyo Dadka soomaaliyeed ee xili kasta doonaya in ay Gaaraan Garoonka Gudihiisa ayaa dhib xoogan kala kulma Maareeyaha Garoonka Kaas oo Ku amar Taagleeya Dadka qaar kood.

Waxaa laga xusi karaa Tan iyo Markii Garoonka Loo dhiibay Ashakri Waxyaabaha uu sameeyay.

In Weriyaasha loo diiday Garoonka Diyaaraha Muqdish.

In Musharaxiin dhowr ah loo diiday Terminaalka Cusub ee Garoonka Taas oo Micna kale Yeelatay.

Iyo In uu qadari Waayay Saraakiisha Qaabilsan Amniga Garoonka Diyaaraha Muqdisho.

Amniga Garoonka waxaa jira Saraakiil u xil saaran Hadana Ma qadariyo Mareeyaha Madaxda Amniga Garoonka Aadan Cade.

Mar aan la sheekeestay Shaqaalaha Garoonka ayaa waxay ila wadaageen in uu ka Tirsan Yahay Urur loo Yaqaano Damu Jadiid oo la micna ah Dhiiga Cusub waxaana Lagu xaman jiray Madaxwaynihii Hore ee soomaaliya Xasan shiikh Maxamuud Rag ka ag dhawaa Mudada uu Xilka Hayay.

Marka la eego Garoonka waa mid Xiligaan umuuqda Mid shaqadiisu ay kala socota Hadana waxaad Moodaa in Shaqsiyaadka Ajaanibta ah ay Xurnimo ku dhax-mushaaxayaan Gudaha Garoonka Laakiin Qofka ah Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa umuuqda Mid aan Meesha udhalan.

Xiliyada qaar waxaa ku gelaya Ficila xun waxaadna Dareemeeysaa in Xalkaasi ay ka jirto dhibaatooyin Xoogan.

Madaxwaynaha Cusub ee Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in uu ka Hortago Dhibaatooyinka Halkaasi ka jira waxaana Macquul ah in uu qayb ka yahay Musharaxiintii Halkaasi lagu dhibaateeyay Xiligii Ololahiisa.

W/Q. Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS