June 21, 2017 | Posted by admin

Boqorka Sacuudiga Salman ayaa wiilkiisa Mohamed bin Salman u magacaabay inuu noqdo Dhaxal-sugaha xilka kala wareegi doona.

Mohamed bin Salman oo hada ah wasiirka Gaashaandhiga ayaa horey u ahaa dhaxa-sugaha 2aad, waxaana horey loo filayey inuu xilka boqortooyada la wareegi doono Mohamed bin Nayef oo isagu ahaa Wasiirka arrimaha gudaha.

Dhaxal-sugihii hore Maxamed bin Nayef

Salmaan ayaa sidoo kale awooda ka xayuubiyey dhaxa-sugihii hore ee Mohamed bin Nayef oo ah 57 sano jir, waxaana laga casilay xilka wasiirka Arrimaha gudaha ee uu horey u hayey.

Waxaa intaasi usii dheer in Mohamed bin Salman oo hada ah 31 sano jir sidoo kale loo magacaabay xil cusub oo ah Raysalwasaare kuxigeen, wuxuuna sii heyn doonaa xilkii uu horey u hayey ee Wasiirka Gaashaandhiga.

Go’aanka kasoo baxay xafiiska Boqorka Sacuudiga saaka oo Arbaca ah ayaa dad badan kadis ku noqday, wallow muddooyinkii danbe si weyn loola socday ololaha uu waday Mohamed bin Salmaan oo awood badan dalkaasi ku yeeshay kadib markii uu aabihiisa xilka qabtay.

Waxaa jiray warar sheegaya in loolan xoogan uu ka dhex socday qoyska boqortooyada, arrintaana ku sababtay Boqor Salmaan inuu tilaabadan qaado.

Mohamed ayaa kamid ah ragga sida weyn gadaal uga riixaya dagaalka ka socda dalka Yemen iyo waliba xiisada hada ka taagan dalalka khaliijka ee xayiraada lagu saaray Qatar. Wuxuuna sheegay inuu diirada saari doono dalka Iran oo uu ku eedeeyey inay wado olole ay ku balaarineyso awooda shiicada ee dalalka Carabta.

Xigasho Horseed Media

COMMENTS