November 11, 2017 | Posted by admin

Wararka ay warbaahintu   ka heleyso Degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Daya in dhaq-dhaqaaqyo ciidan ay ka jiraan labadaas degmo.

Ciidamada Dowladda oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa doonaya in ay dib ula wareegaan deegaano ay shalay isaga soo baxeen Ciidamadaas Huwanta, waxaana kadib la wareegay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegtay Deegaano ay kamid tahay Basra, Ciidamada Dowladda ee Deegaankaas ku sugnaa ayaa la sheegayaa in ay ku sugan yihiin meel aanan sidaa ugu fogeen.

Degmada Balcad ayaa la sheegayaa in uu ka jiro abaabul Ciidan kadib markii la geeyey Ciidamo dheeraad ah oo katirsan Dowladda Soomaaliya si ay kaga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Dadkii fara ku tiriska ahaa ee ku sugnaa Deegaanka Basra iyo Deegaanada kale ee ka agdhaw ayaa la sheegayaa in ay isaga barakaceen, kadib markii Dirirdka labada dhinac waa Ciidamada iskaashanaya iyo Al-Shabaab ay ugu darsoontay Wadooyinkii oo go’ay kadib Roob saacado badan ka da’aye Deegaanadaasi.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda hogaamineysa ciidamada ka howl galaya inta u hiin.

COMMENTS