March 20, 2017 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Ahlusunna ay Magaalada ku xir xireen Tiro Dhalinyaro ah oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Shabaab.

Dhalinyaradaan ayaa laga Aruuriyay Xaafadaha ay ka Kooban tahay Magaalada Dhuusamareeb,waxaana la dhigay Xabsiga dhexe ee Magaalada.

Saraakiil ka tirsan Ahlusunna ayaa sheegay in ay Baaritaan ku sameyn doonaan Dadkaan la qab qabtay islamarkaana ay kala saari doonaan.

Shalay ayaa Ciidanka Ahlusunna ay Duleedka Degaanka Mareergur ay ku qabteen Saddex Qof oo watay Gaari Kaarib ah oo ay sheegeen in ay la shaqeyaan Al-shabaab sida ay hadalka u dhigeen.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected]

COMMENTS