January 10, 2018 | Posted by admin

Waxaa xalay magaalada Dhuusmareeb ee Xarunta Galmudug Kulan ku yeeshay dhalinyaro farabadan oo Doonaya in La Hormariyo Deegaanada Galmudug.

Dhalintaan ayaa Ka kala yimid Deegaanada Kala ah Galkacayo, guriceel, Caabudwaaq, Cadaado Dhuusamareeb, iyo Deegaano Kale oo Galmudug Ka Tirsan.

Ujeedka Kulankaan ayaa ahaa in la Helo dhaqaale Wax loogu Qabto Galmudug si Loo Xagaajiyo deegaanada Galmudug oo dhan, islamarkaana Lagu Dayactiro Goobihii Qadiimiga ahaa ee Bur buray.

Dhalinyaradii  Ka qayb gashay ayaa Yabooh Ku sameeyay dhaqaalaha Waxaana La sheegay in ay soo xarootay Lacago Kumanaan kun gaaraya Sida ay inoo sheegeen dhalinyarada, Waxaa Lagu shaacin Doonaa Tirada Lacagta La helay Munaasabad Kale oo dhawaan La qaban Doono.

Halkaan ka Daawo Sawirada.

COMMENTS