January 4, 2015 | Posted by admin

Mawliidka-300x225
Dhalashada Nabiga, oo sidoo kale loo Yaqaanno Mawliid Al-Nabi, ayaa maanta looga dabbaaldegayaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Mawliidka ayaa sanad kasta la xusaa maalinta 12-aad ee bisha Rabiicul Awal.
Culumada Beledweyne ayaa soo qabanqaabiyay dabbaaldegga, waxaana ka qeyb-galaya mas’uuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo degmada iyo dadweyne aad u badan.
Sheekh Axmed Maxamed Khaliif oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in weyneynta dhalashada Nabiga ay tahay arrin waajib ah oo saaran qof kasta oo Muslim ah.
Dabbaaldegyada ayaa socon doonaa ilaa caawa saqda dhexe, waxaana dadka looga sheekeyn doonaa taariikh nololeedka Nabiga iyo heerarka ay soo martay faafinta diinta Islaamka.
Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu jiri doono dibadbax ballaaran, oo dadku ay socod ku soo mari doonaan qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada, kaddibna la isugu imaan doono barxadda iskuulka Xaawo-taako, halkaas oo culumada ay ku hadli doonaan ka qeyb-galayaasha xafladda.
Dhinaca kale, deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa sidoo kale looga dabbaaldegay dhalashada Nabiga, waxaana xafladda soo qabanqaabiyay maamulka deegaanka, waxaana ka qeyb-galay culumo, mas’uuliyiinta maamulka deegaanka iyo qeybaha bulshada.

COMMENTS