July 14, 2016 | Posted by daacad yare

Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay Maanta Gacanta ku dhigeen Gaari ay saaranyihiin walxaha qarxa iyo qofkii watay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir c/fitaax cumar Xalane,oo Warbaahinta kula hadlay goobta lagu qabtay Gaarigaasi iyo qofka la socday ayaa sheegay in weerarka uu ku wajahnaa Hotelka Maka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in Hotelka uu ka socday SHir,waxaana uu ugu baaqay Milkiilayaasha Hoteellada in ay dusha saartaan amaanka Hoteelladooda.

Ciidamada Amaanka ee Gobolka ayuu Xalane ku tilmaamay geesiyaal gutay howshooda,waxaana uu Dadka shacabka ah ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Amaanka si loo xaqiijiyo amniga magaalada Muqdisho.

Waxa uu ugu Baaqay laama amniga dalka in ay kordhiyaan foojignaata dhinaca amniga ah waxa uuna xusay in ragii fashiliyay weerarkaasi la abaal marin doono.

HALKAAN KA DHAGAYSO SHIRKA JARAA’ID.

Z0000010

 

COMMENTS