January 9, 2017 | Posted by admin

baaralamanka-soi

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba gabeeyay Dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u tar-tamaya Qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiye ku xigeenka kowaad iyo sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Dalka.

Khudabadaha Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka oo shalay bilaabatay ayaa maanta la soo gaba gabeeyay, waxaana Guddoonka Baarlamaanka u sharaxanaa 22 Musharax, iyadoo Labo Musharax ay maanta ka tanaasuleen sida uu ku dhawaaqay Shirka Gudoonka KMG ah ee Baarlamaanka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  isku diyaarinaya Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale ku xigeenadiisa, oo dhici doonta 11-ka oo ku aadan Maalinta arbacada ah ilaa 12-ka Bishan oo iyana ku aadan Khamiista.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS