July 26, 2014 | Posted by admin

Kismaayo- Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay dhawaan u diri doonto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose guddigii wax ka dhisi lahaa baarlamaanka Jubba.

Maamulka KMG ah ee Jubba oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa dhowr mar oo hore saxaafadda waxaa ay u sheegen inay dhameystireen xubnihii dhisi lahaa baarlamaanka,balse ay wali dhowrayan guddigii dowladda.

Waxaa la sheegay wasiirro ka tirsan xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya inay dhawaan tagi doonan magaalada Kismaayo,waxaana ay qeyb ka noqon doonan xubnaha wax ka dhisya baarlamaanka maamulka Jubba.

Warar hor-dhac ah oo ka soo baxaya waftiga ay dowladdu u dirayso Kismaaso,waxaa la sheegay inay ka mid noqon doonan wasiiro ay ka mid yihiin,:Wasiirka Maaliyadda,Wasiirka Cadaalada,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhiga,balse wali ma jirto cid shaacisay.

Qorsha ay dowladda waftigan Kismaayo ugu diraysa,waxaa uu ku soo aadaya xilli lugu wado toddobadkan in la soo dhiso baarlamaanka maamulka Jubba ee u hoggaamiyo,Axmed Madoobe.

COMMENTS