October 28, 2014 | Posted by admin

Ciidanka booliiska dekedda Muqdisho ayaa maanta gacanta ku dhigay kunteenar ay ku jiraan waxyaabaha qaraxa iyo qalabka ciidamada sida dhar iyo kabo ciidan, iyadoo la qabtay xilli la doonayay in laga bixiyo dekedda Muqdisho.
Taliyaha saldhigga booliiska dekedda Muqdisho, Col. Maxamed Cabdi Eeboow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xubin ka tirsan ciidanka ilaaalada canshuuraha dekedda uu qabtay konteenarka xilli ay ku guda jirtay kormeer ay ku smaeyneysay qalabka dekedda laga soo dajiyo iyo kuwa ka baxaya.

Wasiirka Amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg oo gaaray dekedda ayaa isna sheegay in dadaal ay sameeyeen ciidamada amniga lagu qabtay konteenar ay waxyaabaha qarxa ku jiraan, isagoo intaa raaciyay inay u saareen guddi baaritaanno dheeraad ah ku sameeyay qalabkan, si loo ogaado cidda dalka soo gelisay.

Sidoo kale, saraakiisha hay’adda nabadsugidda Qaranka ayaa sheegay inay baaritaanno ku hayaan mas’uuliyada shirkadda BIL oo konteenarka la qabtay uu ka mid ahaa qalab u rarnaa.

Kunteenarkan ayaa waxaa ku jiray dhar, kabo milateri iyo qalab magnad ah oo qaraxyada fududeeya, waxaana wararka ay sheegayaan in markabkii siday konteenarkan uu ka yimid dalka Shiinaha, uuna dekedda kusoo xirtay 22-kii bishan.

Qofkii ay badeecadan u rarnayd ayay hay’adaha amniga dowladdu sheegeen inay gacanta ku dhigeen, ayna baaritaanno ku sameyn doonaan, balse ma aysan sheegin magaca ruuxan ay qabteen.

Dhawaan ayay ahayd markii konteenarro uu qamri ku jiro dekedda Muqdisho lagu qabtay, kuwaasoo la burburiyay, inkastoo aanay weli sheegin hay’adaha amniga dowladdu inay gacanta ku dhigeen iyo in kale.

COMMENTS
  1. I simply want to tell you that I am just beginner to blogging and actually liked you’re web-site. Almost certainly I’m going to bookmark your blog . You amazingly have wonderful article content. With thanks for revealing your web page.