June 19, 2017 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya Magaalada Ber bera ayaa sheegaya in Xalay deb xoogan uu ka kacay Dekeda Wayn ee Ber Bera.

Debka ayaa ka kacay Konteenaro Kiimika ay ku jirtay oo dhax yiilay Dekeda Gudaheeda, Waxaana jirtay in si wayn loogu Gurmaday sidii debkaasi loo demin lahaa.

Shaqaalaha Deb-demiska iyo Hay’ada Haamaha ku leh Dekeda Gudaheeda ayaa kaalin wayn ka qaatay Joojinta debka sida ay sheegeen Shaqaalaha iyo Madaxda dekeda oo Warbaahinta la hadlay.

Qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa dhaawac uu ka soo gaaray Debka Maadaama ay qarxeen Haama yaalay Goobta uu debka ka kacay.

ilaa iyo iminka lama oga Wax yaabaha keenay debkaas Balse waxaa wararka qaar ay sheegayaan in Kiimika Halkaasi tiilay uu debka ka kacay.

Maxamed daacad Muqdisho.

Galcad44@gmail.com.

COMMENTS