February 20, 2013 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya deegaanka Janaale ayaa sheegaya in Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab uu xalay ku dhex maray deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Sida ay sheegayaan wararka iska hor imaadkan ayaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, markii Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay soo weerareen fariisin agagaarka deegaankaas ku lahaayeen Ciidamada AMISOM.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaalada ay saaka degan tahay, hase ahaatee xalay ay maqlayeen hubka cul culus ee la isku adeegsanayay.

Deegaanka Janaale iyo deegaano kale oo ka tirsan Shabellaha Hoose ayaa laga saaray Al-Shabaab todobaadkii hore, waxaana Janaale ay caan ku tahay wax soo saarka beeraha.

Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay inay xaqiijiyeen ammaanka, ayna la kulmeen waxgaradka deegaanka, iyagoo ku hanjabay in Al-Shabaab ka saari doonaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen ilaa 18-ka tirsan xoogaga Al-Shabaab iyo qoryahooda, isagoo ugu baaqay dhalinyarada kale inay ka soo baxaan.

COMMENTS