March 30, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ayaa goordhow ee maanta xaqiijiyay gacan kuhaynta degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Ilo kudhow dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada iyo Amisom ay si rasmi ah gacanta ugu dhigeen Dagmada Dayniile oo qaybo kamid ah Al-shaabab ah ay kamaamuli jireen.

Saraakisha Dowlada ee Hogaaminaya Ciidamada dowlada ayaa kusoo waramaya in Dayniile ay lawareegen kuna sii socdaan Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Meelaha Ciidamada Dowlada ay qabsadeen waxaa kamid ah garoonkii diyaaradaha, Xarunta Degmada iyo Cisbitaalkii Degmada Dayniile.

Gudaha Degmada ayaa waxaa hada si rasmi ah ugu sugan labada Ciidan Al-shabaabna waa ay kabaxeen.

Dhinaca kale Ururka Al-shabaab ayaa guula kasheegtay Dagaalka Maanta waxaana ay sheegeen inay gubeen dhowr gaari oo ay lahaayeen ciidamada Amisom.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kudarayaan Gawaarida gaashaaman ee Amisom inay ujihaysteen Deegaanka Ceelasha Biyaha.

COMMENTS