April 2, 2015 | Posted by admin

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, Dagaal ayaa ka socda xarunta Jaamacada Magaalada Gaarisa oo ay dhigtaan arday Kenyatti ah iyo kuwa Soomaali ah.

Wariyaha VOA ee Magaalada Gaarisa, Maxamed Shire Faarax oo ku sugan meel ku dhaw Jaamacada Magaalada Gaarisa, ayaa soo sheegaya in dagaalkaan uu biloowday saaka markii Salaada Subax loo dareeray ilaa iminkana dagaalka uu socdo.

Waxa uu sheegay Wariyaha in Jaamacada gudaheeda inay ka dhaceyso rasaas xoogan oo loo maleynaayo inay isweydaarsanayaan rag hubaysan iyo ciidamada ilaalada Jaamacadda ee Booliiska.

Qaraxyo bambooyin ah ayaa laga maqlayaa Jaamacada gudaheeda, xilli rasaasta ay dhaceyso, waxaana gudaha Jaamacada ku jira Ardayda aan Muslimka aheyn, halka Ardaydii Muslimiinta ahaa ay aadeen saaka Masaajidka oo xilliga dagaalka uu bilaabanaayay waxa ay ku maqnaayeen Masaajidka oo Salaada Subax ay ku tukanayeen.

Ciidamo badan oo gurmad ah ayaa gaaray Xarunta Jaamacada si ay ula dagaalamaan ragga hubaysan ee Jaamacada ka dhex-dagaalamaya, inkastoo aan la ogeyn tirada ragga hubaysan ee Jaamacada soo weeraray.

Goor dhaweyd waxaa gaaray halka dagaalka uu ka socdo ciidamada Milateriga iyo Taliyaha ciidamada Booliiska Magaalada Gaarisa, welina dagaalka wuu socdo.

Lama oga ragga weeraray Xarunta Jaamacada Magaalada Gaarisa inay yihiin Al Shabaab iyo rag kale, hayeeshe weerarada noocaan ah ayaa looga bartay Ururka Shabaab oo kordhiyay muddooyinkaan dambe dagaalada dalka Kenya.

COMMENTS