February 1, 2014 | Posted by admin

AU: Abdirizak Haji Hussein/DUHUR

Waxaa goor dhaweyd ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo beryahan xanuunsanaa.

Geerida Ra’iisal Wasaarihii hore waxaa saxaafada u xaqiijiyay Abdisalaan C/qafaar Xaaji Xuseen oo ah wiil uu adeer u yahay marxuumka . Marxuumka ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Jaamacadda ee Magaalada Minneapolis (University of Minnesota Hospital).

Alle ha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu ahaa Ra’iisal Wasaarihii labaad oo ay yeelato Soomaaliya oo xor ah, wuxuuna xilka hayay intii u dhaxeysay 14-kii June 1964  illaa 15-kii July 1967. Waxaa xilka Ra’iisal Wasaare kaga horreeyay Alle ha u naxariistee C/rashiid Cali Sharma-arke oo xilka Ra’iisal Wasaarenimada hayay intii u dhaxeysay 12-kii July 1960  illaa 14-kii June 1964.

Marxuumka ALLE ha u naxariistee tan iyo xiligii ugu danbeysay noloshiisa marnaba kama caajisin talo soo jeedin iyo toosinta sidii ay Soomaaliya burka burka uga bixi lahayd.

Shabakada duhur.com waxay tacsi u diraysaa dhamaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka tagay Marxuumka, Illaah ayaan waxaan ugu baryaynaa inuu Janadii fardowza ahayd ka waraabiyo….Aamiin Aamin..Aamiin.

DAAWO WARBIXINTA MARXUUMKA

NORTH AMERICA DUHUR MEDIA

MUKTAR KATIITOW

COMMENTS