May 17, 2017 | Posted by admin

Magaalada Muqdisho waxaa Goor dhaw ka dhacay Qarax ka dhashay Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qaraxa ayaa ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobalka Banadir gaar ahaan wadada jayga waxaana la xaqeejiyay in sadax askari ay ku dhintay waxaana sidoo kale la qabtay Ninkii Gaariga ka xaynaayay oo dhaawac ah.

Degmada wadajir  waxay ka mid tahay Meesha ugu Badan oo ay dhacaan dilalka iyo Qaraxyada Qorsheesan.

Dhawaan ayay aheed markii Ciidamada Amaanka dalka ay Gacanta ku soo dhigeen Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ugu dambeeyn ku qarxay Degmada Xamar wayne.

 

COMMENTS