January 10, 2018 | Posted by admin

Wararka inaga soo
gaaraya degmada Hodan ee Gobolka Banaadir
gaar ahaan xaafada Taleex ayaa waxa ay
sheegayaan in halkaasi goor dhow uu ka dhacay
Qarax Gaari.

Dad goobjoogayaal ah ayaa
sheegaya in Gaariga qarxay  ay saarnaayeen laba
ruux, oo midi uu gaariga kaxeynayay, halka
midka kalena uu fadhiyay kursiga kale ee shirka.

Labada ruux ee Gaariga saarnaa ayaa dhaawac
uu soo gaaray, ninkii gaariga kaxeynayay oo
magaciisa lagu soo koobay Catoosh ayaa
dhaawac culus uu soo gaaray, sidoo kale gaariga
oo nuuciisa uu ahaa kuwa raaxada ayaa burbur
xoogan uu soo gaaray.

Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa Goor dhaw Halkaasi Gaaray, Waxa ayan Xireen Dhamaan Wadooyinka Soo gala Goobta uu Qaraxu ka dhacay.

COMMENTS