July 26, 2015 | Posted by admin

Qarax aad u xoogan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxan uu gil gilay magaalada oo idil.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Jazeera oo ku dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana marka la eego tanka qaraxa uu ahaa mid aad uga xoogan qaraxyadii hore ee ka dhici jiray magaalada Muqdisho.

Waxaa aad u adag in la helo faah faahin rasmi ah oo ku aadan qaraxan aadka u xoogan ee magaalada oo dhan ruxay, iyadoo la sheegayo in guryo badan oo ku dhow Hotel Jazeera ay dumeen.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay baabuur weyn oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo agagaarka Hotelka isku qarxiyay.

Dad ka fog halka qaraxa ka dhacay ayaa sheegaya in dhulka uu la gariiray, dariirashada iyo albaabada ay soo dhaceen.

Hotelka Jazeera oo ah hotel ammaankiisa aad loo ilaaliyo ayaa waxaa degan Safaaradaha Shiinaha iyo Qatar, sidoo kale waxaa hotelka dega diblomaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta dowladda.

COMMENTS