July 11, 2014 | Posted by admin

Cabasho maamul xumi, Amni darro iyo Qaddarin la’aan ay beesha Harti ka tirsaneyso hogaanka dowlad-goboleedka Jubbaland

05/07/2014

KU: M/weynaha dowlad-gobaleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland
OG: Odayaasha dhaqanka ee beelaha Kablalax
OG: Wafdiga Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland
OG: Wafdiga Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya
UJ: Cabasho maamul xumi, Amni darro iyo Qaddarin la’aan ay beesha Harti ka tirsaneyso hogaanka dowlad-goboleedka Jubbaland.

Hordhac:

Madaxweynaha maamulka Jubba,Axmed Madoobe
Madaxweynaha maamulka Jubba,Axmed Madoobe
Maamulka Jubbaland ee Md Axmed M/ed Islaan loogu doortay inuu M/weyne ka noqdo 15 MAY 2013, beesha Harti gudo iyo dibadba waxay la garab istaagtey maskax, muruq iyo maalba, ilaa iyo maantana waxay si hagar la’aan ah ugu heelan tahay taabo-gelinta mabaadiidii lagu asaasay maamulka Jubbaland. Nasiibdarose waxaa maanta u muuqata beesha Harti in madaxda sare ee maamulka Jubbaland ay hareer mareen hadafyadii siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho ee shacabka guud ahaan ku naaloonayey si looga miro-dhaliyo halgankii dheeraa ee loo soo galay dhismaha dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Hadaba beesha Harti waxay si toos ah dusha uga tuureysaa maamul xumida, amni darida iyo dhaqaale burburka ku habsadey shacabka reer Jubbaland hogaanka sare ee maamulka Jubbaland oo ka gaabiyey iney gutaan waajibaadkii loo igmaday. Sidoo kalena waxay beesha Harti halkan ku soo bandhigeeysaa arimaha uu maamulka Jubbaland ka gaabiyey iyo dhibaatooyinka sida gaarka ah beesha u gaaray:

Arimaha Siyaasada:

· Maamulka Jubbaland wuxuu ku guul dareystay inuu difaaco magacii isaga laftiisa lagu unkay ee ahaa “Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland” kaasoo loo badelay “Maamulka ku-meel-gaarka ah ee Jubba” iyadoo magac-xileedkii “Madaxweyne” loo badelay “Hogaamiye” intubana waxay kasoo horjeedaan Axdi-qarameedkii Jubbaland u yiilay.
· Intaas waxa soo raaca siyaasadii dhismaha hay’adihii dowliga ahaa oo aan waxba laga qaban, marka laga reebo wasiiro iyo ku-xigeenno aan si buuxda howshooda ugu madax bannaaneyn.
· Maamul xumida hogaanka Jubbaland waxay keentay ammaan darro, horumar la’aan iyo in mugdi iyo shaki kala galo beelahii bud dhigga u ahaa dhismaha dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, taasna waxay fududeeysay in cadowga Jubbaland uu siduu doono uga shaqeysto iska-horkeenka dadweynaha reer Jubbaland.

Tusaale:

Dagaalkii 16/06/2014 ka dhacay magaalada Kismaayo wuxuu ka bilowday nin maalmo yar ka hor ka yimid Sabca-Asharaaf oo ciidamada lagu biirshay iyadoon dhaqan celin lasoo marin inuu ku toogtay bartamaha magaalada laba nin oo Harti ah, kana tirsanaa ciidamada Jubbaland, iyadoo nina goobtii ku dhintay midkii kalena uu dhaawacii u geeriyooday.

Mas’uul ka tirsan maamulka Jubbaland wuxuu ku sifeeyey dagaalkii 16 JUNE 2014 inuu dhexmaray maamulka Jubbaland iyo koox argagixiso ah shabaab ah lacagna la soo siiyey si ay khal-khal u geliyaan ammaanka magaalada Kismaayo. Iyadoo sida la wada ogsoon yahay dagaalku uu dhexmaray laba kooxood oo ka wada tirsan ciidamada Jubbaland.

Waxaa kaloo maalmahan jira qorsho masaafurin oo dhalinyaro ka tirsan beesha Harti inta la xiro laguna yiraahdo waa shabaab, lana faro ehelkooda in ay ticket u soo diyaarshaan intuu xiran yahay si looga dhoofiyo deegaanka.

Beesha Harti waxay si cad u tusaaleyneysaa hogaanka sare ee Jubbaland in xilalkii loo magacaabay xubno ka mid ah beesha sida Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga iyo Duqa magaalada Kismaayo eyan howshoodii u gudan Karin sidii loogu talo galay.

Beesha Harti waxaa u muuqata iney ku dulman tahay awood qeybsiga maamul ee heer degmo, iyadoo saami u qalma aanan ka helin xagga amniga, bulshada (caafimaadka iyo wabarashada), xagga ganacsiga IWM.

Hadaba beesha Harti waxay waqtigan la joogo u aragtaa hogaanka Jubbaland inuu yahay mid ku taagan waddadii fashilka, loona baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo sidii loo badbaadin lahaa masiirka reer Jubbaland oo halis ku sugan.

Arimaha Amniga:

Beesha Harti waxay maamulka Jubbaland ka tirsaneysaa amni xumo, sida dil, dhac iyo bah-dil joogto ah oo ay kula kacaan ciidamada maamulka.

Tusaale:

1. Laga soo bilaabo xilligii ay magaalada Kismaayo soo galeen ciidamadanilaa maanta waxaa beesha Harti sabab la’aan looga diley ilaa 27 qofood oo isugu jirey Isimmo, Nabadoon, Dumar, Caruur iyo Ciidanba, kuwasoo dhamaantood wixii ka horeeyey 16 JUNE 2014 beesha Harti ay uga cabatay maamulka Jubbaland, jawaabna eyan ka helin, iyadoo dagaalkii sida lama filaanka ah uga qarxay magaalada Kismaayo 16 JUNE 2014 ay sababtay dilkii maalinkaas loo geeystay marxuum M/ed Aadan Hilowle oo ahaa askari ka tirsan ciidamada Jubbaland iyo arimo badan oo isbiirsaday oo ay ka mid yihiin, , garowsiinyo la’aan, jawaab waafi ah ka bixin la’aantii dadkii horey loo laayey IWM.

2. Sidoo kale waxaa beesha Harti loo geystay dhac fara badan oo lacageed oo aan halkan kaga xuseyno dhacii loo geystay M/ed Aadan Cali oo laga dhacay US$ 19,330, Cismaan Macalin Nuur (Xaaji Xerow) oo laga dhacay lacag dhan SSH 187,000,000. Mustaf Axmed M/ed oo laga dhacay US$ 12,500

3. Dhacdadii foosha xumeyd ee loo geystay ganacsade Cismaan Barre isagoo ku sugan gudaha bakhaarkiisa in ay soo weerareen koox isugu jirta saraakiil iyo ciidan, kuwaasoo u geystay dhac iyo jirdil.

4. Dhacdadii lagu weeraray laguna burburiyey guriga ganacsade Saciid Adoon oo ahayd mid la baajin karey, maadaama guriga nimankii xoogga ku galey ay ku qabsadeen dad maato ah oo markaas ku sugnaa guriga gudahiisa, iyadoo isla markiiba ay goobta soo gaareen Odayaal iyo mulkiilihii guriga, si ay u furdaamiyaan xaaladii markaas taagneyd oo waxgaradka ula muuqatay mid wax laga qaban karay sidii loo badbaadin lahaa maatida guriga ku jirtay, nasiib darose waxaa arinkaas ku gacan seyray saraakiishii maamulka Jubbaland ee goobta ku sugnayd. Beesha Harti waxay ogtahay inuu arinku yahay “Baroortu orgiga ka weyn” maadaama uu jiro dhul uu leeyahay Saciid Adoon oo ay ku qabsadeen niman ay garab siinayeen saraakiisha maamulka Jubbaland, kuwasoo ahaa nimankii Odayaasha iyo Saciidba ka diiday waan-waanta, xabbadana ku bilaabay guriga

5. Sidoo kale waxaa marar farabadan dhacda iney saraakiisha ciidamada bartilmaameystaan qaar ka mid ah ciidamada Jubbaland oo u dhashay beesha Harti in qoryaha laga qaado iyadoo aanan wax sharciyad ah loo soo marin, halka kuwo iyaga oo kale ah ay qoryahooda la mushaaxayaan suuqa. Sida la ogsoon yahayna waxaa beesha Harti sidaas kaga maqan wax ka badan 20 qori.

6. Waxa jira dhacdooyin halis ah oo ku saabsan dhul-boob xad-dhaaf ah iyo barakicin abaabulan oo loo geysto dadka u dhashay beesha Harti, iyadoo uu maamulku ogyahay waxna uusan ka qaban, marar badana sababay dhimasho iyo dhaawacba, kuwaasoo welina taagan qarkana u saaran isku-dhacyo horleh iney keenaan. Beesha Harti waxay diyaar u tahay iney kala shaqeyso maamulka Jubbaland sidii xal caaddil ah oo waara looga gaari lahaa mushkilaadka dhulalka.

7.Dhibaatooyinkaas aan garowshiinyaha lahayn ee sida joogtada ah loogu geysto beesha Harti waxay u aragtaa inay yihiin kuwo cadowga Jubbaland u adeegaya, isla markaana keeni kara kala-fogaansho iyo isnac bulshada dhexdeeda.

8.Falalka amni xumeynta iyo kala shakisiinta Beelaha walaalaha ah wuxuu cadowgu u adeegsadaa qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada, kuwaasoo u haysta in ay dalka iyo dadka qori caaradiis ku muquuniyaan, iyagoo dadka daacada u ah Jubbaland ku abuuraya wal-wal iyo colaad ay u qaadaan maamulka.

9.Hogaanka Jubbaland wuxuu ogyahay denbiyada faraha badan ee ay ciidankiisu ka gelayaan beesha Harti iyo sida ay uga abuurayaan xasilooni darro magaalada Kismaayo, wuxuu kaloo ogyahay in shacabka reer Jubbaland doonayaan dowladnimo ay aayahooda iyo midka ubadkoodaba ku dhistaan.

Arimaha Dhaqaalaha

Beesha Harti waxeey laf-dhabar u tahay dhaqaalaha Jubbaland, sidaas oo ay tahay beeshu wax door ah kuma laha maamulka iyo maareeynta ilaha dhaqaalaha ee Jubbaland, taas waxa u dheer in si toos ah looga hor istaago abuurida ilo dhaqaale oo dalka iyo dadka waxtar u yeelan kara.

Tusaale:

a) Beesha Harti waxaa aad iyo aad uga yaabiyey inuu maamulku joojiyey dhismo hoteel 5-dabaq laga rabey, kaasoo bilicda magaalada, ganacsiga, dhaqaalaha iyo shaqa abuurisba kusoo kordhin lahaa Jubbaland.

b) Waxaa kaloo la yaab noqotay warshad soo saarta isbuunyada oo ka mid ahayd halbowlayaasha wax-soosaar ee ay leedahay degmada Kismaayo oo ay u shaqeynayeen dad ka badan 120 qufood, in la xiray oo albaabada laysugu dhuftay, isla markaana uu Maamulka Jubbaland ogyahay uuna waxba ka qaban ilaa iyo hadda. Arinkan wuxuu caqabad ku noqonayaa qorshahii lagu doonayey in lagu kasbado maalgashadayaal.

c) Waxaa mucjiso noqotay, nin Harti ah gurigiisii oo uu ka kireystay hay’ad, inuu mas’uul ka tirsan maamulka Jubbaland ka hor-istaagay iney hay’addii degto gurigii, amarna ku baxshay ineyan hey’adaas degi karin gurigaa, isagoo weliba waddadii guriga loo marayey ku sameeyey jid-gooyo. Arintana waa mid uu ogyahay hogaanka Jubbaland waxbana kama uusan qaban, hadaba waxey beesha Harti dhacdadan u qaadatay iney tahay ku-tagrifal awood-maamul, kaasoo keeni kara isku-dhac iyo kala-fogaansho.

d) Waxaa murugo leh, Qiilmawaaye Hotel oo ah goob ganacsi oo muuqaal iyo micne weynba ugu fidhiyo magaalada Kismaayo, in ay ciidamadii maamulka oo loogu talogalay iney difaacaan nafta iyo maalka muwaadiniinta Jubbaland, ay maalin cad ku soo duuleen Hotel Qiilmawaaye, iyagoo u geystay bur-bur hantiyeed, dhac iyo bililiqeysi, iyagoona qaatay qoryihii u sharciyeysnaa Hoteelka ee lagu ilaalinayey ammaankiisa. Arinkan wuxuu niyad jab ku keenayaa mashruucii dhiiro-gelinta iyo horumarinta guud ee Jubbaland.

f) Beesha Harti waxay u aragtaa xadgudub in dhul-beereedka u dhaxeeya koontaroolka Baar-caleen iyo Airport-ka Kismaayo oo ahaa beero dadkii lahaa ay intifaacsanayeen xilliyo fog, iyadoo xilligii wax-beerashada lagu jiro laga joojiyey hawlahoodii, sabab cadna aanan loo sheegin.

Maamulka Jubbaland wuxuu ku guul dareystay inuu dhaqaalaha dalka miisaaniyad ku saleeyo, si adeegyada dowliga ah kharash loogu sameeyo.

Tusaale:

Buuqii maalmo dhaweyd gilgiley magaalada Kismaayo ee ka dhashay in marqura uu maamulku amray in cid walba oo leh irid ganacsi ay bixiso lacag ay dadku badankood qaadi karin kadisna ku ahayd, ciddii la daahday bixint lacagtana quful laga saaray goobta ay ku ganacsaneysay iyadoo weliba ganaax loo raacinayey, arinta noocan oo kale ah waxaa sababay iyadoo maamulka Jubbaland uusan qorsheysan miisaaniyad uu ku shaqeeyo.

Arimaha Bulshada

Bulsho waa mujtamac meel kuwada nool oo ay kawada dhaxeyso danguud oo ah iney wada ilaashadaan sida, maamul, dhul, bii’ad IWM, bulshada waxaa saaran waajibaad ay ka mid yihiin, u hogaansanaanta shuruucda u degan degaankooda , iney maamulka ku gacan siiyaan sugida amniga, bixinta cashuuraha, wax soosaarka IWM, sidoo kale bulsho waxay xaq u leedahay inuu maamulkoodu sugo , amnigooda, iney helaan garsoor caddaalad ku dhisan, horumar,caafimaad, waxbarasho, nadaafad IWM. Hadaba beesha Harti waxay maamulka Jubbaland ku dhaliilaysaa inuu wax ka qaban waayey baahidii bulshadu xaqa ugu laheyd.

Tusaale:

1. Beesha Harti waxay u aragtaa in howlaha bulshada wax loogu qaban lahaa uu hogaanka Jubbaland hortaagan ayahay, sida maamulka dhaqaalaha degmada Kismaayo oo uu gacanta u geliyey rugta ganacsiga iyo wershadaha Jubbaland (JCCI) oo sharci ahaan aanan wax dowr ah ku yeelan karin arimaha canshuur qaadista, hawlaha canshuuraha waxa sharci ahaan leh maamulka degmada Kismaayo, si waxqabad muuqda loogu sameeyo arimaha bulshada, amni sugida degmada, nadaafada degmada, daryeelka waxbarashada iyo caafimaadka asaasiga ah IWM.

2. Xagga garsoorka iyo caddaaladii ay bulshadu u baahneyd maamulku weli ma uusan dhisin hey’ad garsoor, iyadoo ayen bulsho noolaan Karin garsoor la’aan. Tani waxay sababtay in guryo beesha Harti leedahay oo sharcigoodiina la hayo xoog looga heysto, tani waxay keeni kartaa dhibaatooyin isku-dhac beeleedyo oo sababa dhimasho iyo dhaawac.

3. Beesha Harti waxay dhib u aragtaa in maamulku markuu qaatay canshuurihii uu xaqa u lahaa dabadeed uu caadeystey inuu ganacsatada ka qaado lacago aan sharci ahayn, ciddii ka hortimaadana waxaa laga xiraa goobahooda ganacsiga, iyadoo marar badana loo geysto jirdil iyo xarig eyan maxkamadi xukumin.

4. Beesha Harti waxaa u muuqata in maamulka Jubbaland uu u dhaqmayo sida maamul-jabhadeed, sidaasi darteed waxay ugu baaqeysaa beelaha walaalaha ah ee ay laxo-jeclida ka heyso jiritaanka maamulka Jubbaland, iney mowqif mideysan ka qaataan sidii laga yeeli lahaa xaaladan cakiran.

5. Beesha Harti waxey iftiimineysaa in la haqab tiro baahida ay caruurta Kismaayo u qabaan waxbarashada asaasiga ah, iyadoona talo lagu soo jeedinayo in dugsiyadii H/dhexe ee Calanley iyo Bilaal lagu soo celiyo ujeedkii loogu talogalay ee ahayd in caruurta aadka ugu baahan wax lagu baro, kuwaasoo qaarkood hadda socod dheer u galaan dugsiyo ka fog xaafadahooda.

TALO SOO JEEDIN:

Beesha Harti waxay maamulka Jubbaland u soo jeedineysaa talooyinka soo socda:

1) In golayaasha dowlada si dhaqso ah loo dhiso , sida golaha wakiilada, golaha garsoorka iyo dhameystirka golaha xukuumada.

2) In golayaasha dowladu noqdaan kuwo xor u ah shaqadooda, iyaga oo ka tarjumaya jiritaanka midnimada iyo rabitaanka shacabka reer Jubbaland.

3) In hay,adaha dowliga ah, sida guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud, hanti dhowrka guud, xisaabiyaha guud, guddoomiyaha bankiga si dhaqso ah loo magacaabo si hay,adaha qaab-dhismeedkooda iyo howl galkooduba u fulaan.

4) In si dhaqso ah loo magacaabo madaxda talisyada ciidamada noocyadooda kala duwan, si ciidamada Jubbaland u noqdaan ciidamo Qaran, kuwaasoo ka hufan dareenka Qabiilka iyo kala qoqobnaanta qaab-beeleedka ku saleysan ee ay haatan ku sugan yihiin.

5) In dhaqaalaha dalka lugu jaangooyo qaab miisaaniyad sanadeed, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo difaaca dalka iyo daryeelka ciidamada qalabka sida.

6) In taliyayaasha ciidamada lagu xulo aqoontooda ciidan iyo anshaxooda suuban, loona diyaarsho tababaro joogta ah, si ay tusaale fiican ugu noqdaan ciidamada Qaranku u xilsaarey inay bulsada hogaamiyaan xilliga dagaalka iyo nabada.

7) In hay,adaha caalamiga ay si toos ah ula howl galaan wasaaradaha ay isku shaqada yihiin, dowladuna ay fududeyso, howl fulintooda aan lidka ku ahayn shuruucda dalka u degan.

8) In maamulka dowladda Jubbaland u howlgalo, sidii Jubbaland ay toos ugu heli lahayd saamigeeda deeqaha Soomaaliya ay beesha caalamku siiso, kana dirirto in dowladda dhaxe loo soo mariyo wixii deeqa ah oo Jubbaland leedahay.

9) In rugta ganacsiga iyo warshedaha Jubbaland (JCCI) u hawl gasho in ay Jubbaland u raadiso maalgashi dibadeed, una bandhigto aduunka kheyraadka Eebe ku manaystay dhulka iyo badda Jubbaland, waana ineyan (JCCI) ku mashquulin shaqada dowladda hoose ee ah canshuur uruurinta.

10) In la sameeyo guddi khubaro ku ah dhismaha maamul dowladeed si loola diriro maamul xumida ku habsatay Jubbaland, dalkana looga xoreeyo qaabka maamul –jabhadeedka ah ee uu ku sugan yahay.

11) In dib u eegis qoto dheer lagu sameeyo axdiga Jubbaland, si loo ilaasho danaha dhuleed, dhaqaale iyo bulsho ee Jubbaland

12) In degmada Kismaayo loo madax-baneeyo hawlaheeda shaqo ee ay bulshadu ka sugeyso, ha noqoto xag amni sugid, xag cashuur uruurin, xagga daryeelka naafada, xagga daryeelka haweenka, xagga waxbarashada iyo caafimaadka asaasiga ah, si maamulka Kismaayo tusaale wanaagsan ugu noqdo degmooyinka kale ee Jubbaland.

Liiska Odayaasha dhaqanka beesha Harti ee saxiixay qaraalkan:

1. Nabadoon M/ed Saciid Guuleed———————————————————-
2. Nabadoon Jaamac M/ed Muuse———————————————————-
3. Nabadoon C/qaadir M/ed Macalin——————————————————-
4. Nabadoon Cumar M/ed Xirsi—————————————————————
5. Nabadoon C/rashiid M/ed Cali————————————————————-
6. Nabadoon Cabdi Xasan Cismaan———————————————————–
7. Nabadoon C/laahi Sahal M/ed ————————————————————-
8. Nabadoon Cabdi Barre M/ed—————————————————————-
9. Nabadoon Daa’uud Saciid Yuusuf———————————————————-
10. Nabadoon Axmed Cabdi Yuusuf————————————————————
11. Nabadoon Xaashi Shirwac Mire————————————————————
12. Nabadoon Cali Ibraahim Ciise—————————————————————-
13. Nabadoon Aweys Deexeey——————————————————————-
14. Nabadoon C/laahi Jaamac Barre————————————————————
15. Nabadoon C/laahi Bile Saciid—————————————————————-
16. Nabadoon M/ed Axmed Xuseen————————————————————-
17. Nabadoon Xaaji Xuseen M/uud Cabdulle————————————————–
18. Nabadaoon M/ed Xuseen Axmed———————————————————-
19. Nabadoon Cali M/ed Axmed——————————————————————
20. Nabadoon Cismaan Macalin Nuur———————————————————-
21. Nabadoon Cabdi Mowliid Cilmi—————————————————————
22. Nabadoon Yuusuf Haybe Abokor————————————————————-
23. Nabadoon Aadan Xaaji Axmed—————————————————————-
24. Nabadoon C/qaadir C/laahi Dharaar———————————————————
25. Nabadoon Cumar Cali Yuusuf——————————————————————

COMMENTS